Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Qarax jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ayaa caawa maqribkii ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Warar aan helnay ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay inta u dhexeysa KPP iyo Isgoyska Bakaaraha.Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay meel u dhow maqaayad lagu magacaabo SAARA oo ku taalla agagaarka Isgoyska Bakaaraha, gaar ahaan dhanka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaaal ah aaa sheegay in ay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo uu qaraxu sababay.

Illaa iyo hadda si ramsi ah looma oga cidda sida rasmiga ah loola beegsaday qaraxa, sidoo kale wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax.

Goobjoogayaal ayaa Dalkaan.com u sheegay in ciidamada ammaanka ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoona halkaasi ay baaritaano ka wadaan.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here