Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay Kylian Mbappe ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan kooxda iyada oo ay kaga horayaan Lionel Messi iyo Neymar.

23-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisanaa ebid markii uu PSG kaga soo biiray Monaco 2018, laakiin kooxda ka dhisan caasimadda ayaa haatan u taagan inay ku weysho beeca xorta ah marka uu qandaraaskiisu dhamaado dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa inay doonayso inay lasoo wareegto, mid ka mid ah ciyaartoyga ugu qiimaha badan taariikhda kubbada cagta, laakiin PSG ayaan wali ka rajo dhigin in Mbappe ay ku qanciso inuu sii joogo.

Majalada Isbaanishka ee ABC ayaa sheegtay in hogaamiyaasha Ligue 1 ay diyaar u yihiin inay Mbappe u soo bandhigaan qandaraas ka qaalisan kan Madrid ku doonayso Mbappe, iyo inay diyaar u yihiin inay aqbalaan inuu qalinka ku duugo kaliya labo sano oo dheeri ah halkii uu ka saxiixi lahaa heshiis waqti dheer ah.

Heshiis kasta oo noocan oo kale ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka badan doono mushaharka hadda la siiyo Messi iyo Neymar, kuwaas oo ah labada ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan taariikhda kubada cagta Faransiiska.

Mbappe ayaa durbadiiba kaalinta seddexaad ka galay liiskaas kala horaynta ciyaartoyda, laakiin waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay mushahar kordhin weyn si kastaba ha ahaatee hadii uu doorto inuu sii joogo Parc des Princes.  

Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Mbappe uu heshiis afka ah la gaaray Madrid mar hore, balse ma jiro heshiis rasmi ah oo dhici doona ka hor inta aysan labada kooxood isku arkin wareega 16ka Champions League

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan