Atirishada Hollywood-ka iyo Bollywood-ka ka dhaxeyso Priyanka Chopra Jonas ayaa banaanka soo dhigtay 20-sano ka hor markii fanka Hindiya ku cusbeyd dhibaatooyinka ay la kulantay gaar ahaan arin aysan waligeed hilmaami doonin oo ku aadan xad gudub weyn lagu sameeyay sidoo kalena garab istaag xiligaas waxay ka heshay Megastar Salman Khan.

Advertisement

Haddaba Priyanka Chopra waxay sheegtay xili ay Bollywood-ka ku cusbeed in filim ay saxiixatay duubistiisa bilaaw ahayd laga dalbay heesh dareen ku dheehan sameyntiisa oo ku dhawaad 4-daqiiqo soconeyso waxaana laga dalbaday inay dhar badan xirato heeskaan mid walbo mar siibto ilaa ugu dambeyntii ay banaanka usoo muujineyso nigiska ama kastuumada ay hoos ka wadato!

Priyanka wey diiday inay kastuumadeeda muujieyso ayadoo kaamirada laga duubayo balse Director-kii ama filim sameeyihii ayaa ku dhahay “Waa qasab inaad kastuumadaada banaanka soo dhigtid haddii kale daawadayaasha filimkeena ma daawan doonaan!” Priyanka waxay diiday filim sameeyahaas magaciisa inay maanta banaanka soo dhigto balse waxay sheegtay inuu yahay shaqsi aad u xun oo aaminsan kaliya dumarka jirkooda badeeco ahaan aflaanta loogu gatto weyna diiday sameyntii filimkaas.

Priyanka oo hadalka sii wadato waxay sheegtay in ayadoo duubeyso filimkeedii Mujse Shaadi Karoge goobta imaadeen Director-kii xumeeyay iyo soo saarihiisa kadibna handadeen waxayna weydiisteen lacagtii ay ka qaadatay dib inay ugu soo celiyaan balse nasiib wanaagsan Salman Khan oo goobta ku sugnaa ayaa Priyanka garab istaagay wuxuuna gees ula baxay nimankii Priyanka ku dhagnaayeen asiga ayaana arinka xaliyay una sheegay wax walbo oo Priyanka laga rabo isaga loogu imaanayo mardambe aysan qash qashaadin Priyanka oo xiligaas fanka ku cusbeyd.

Priyanka waxay abaal weyn u heysaa Salman Khan waxayna xiligan la joogo soo jeedisay in gabdhaha ama atirishooyinka Bollywood-ka ku cusub laga war haayo oo aan lagu fiirsanin tacadiyada muuqdaan iyo kuwa qarsoon ee lagula kacaayo waxayna Priyanka gabdhaha ku boorisay inay geesiyaal noqdaan oo aysan qarsanin haddii tacadi gaar ah kala kulmaan filim sameeyayaasha iyo soo saarayaasha.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here