Atariishada Priyanka Chopra iyo ninkeeda Nick Jonas ayaa isaga guuray magaalada New York oo ay daganaayeen waxayna iibiyeen gurigii ay halkaas ku lahayeen.

Lamaanahaan kawada tirsan shirkada Hollwoodka ayaana waxay u guureen magaalada Los Angeles ayagoona halkaas la iibsaday guri weyn oo qasri ah kuna fadhiya 20 Million Dollar.

Qasrigaan ayaana wuxuu ka koobanyahay 7 qol jiif ah, 11 musqulood, barkad lagu dabaasho iyo waxyaalo kale oo aasaasi u ah asigoona bad ahaan ku fadhiyo 20,000 oo cag laba jibaaran.

Priyanka iyo nikeeda Nick Jonas waxay is guursadeen sanadkii 2018dii kadib markii ay mudo kooban xiriir jaceyl wada lahaayeen, haatana waxay ka tirsaneyd lamaanayaasha ugu hadalheynta badan saxaafada.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here