Maamulka Premier League ayaa shaaciyey in ciyaartii saddexaad oo toddobaadkan la dheeli lahaa  horyaalka loo baajiyey sabab la xidhiidha Fayraska Korona iyo dhaawacyo sababay in mid ka mid ah kooxuhu ay weydo ciyaartooyo ku filan.

Khamiistii ayuu Premier League ku wargeliyey kooxaha Liverpool, Leeds United, Watford iyo Wolves in aanay ciyaari doonin kulamadoodii Axadda, taas oo ka dhigan in Liverpool aanay usbuucan la ciyaari doonin Leeds United, sidoo kalena aanay Watford safar u geli doonin Watford.

Horyaalka Premier League ayuu kusii faafayaa Fayraska Korona, waxaana shaki la gelinayaa tiro ciyaaro ah iyadoo horena ay kooxuhu kulamo ay yeesheen ay isku af-garan waayeen inay gebi ahaanba fasax ka galaan ciyaaraha toddobaadkan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

War-saxaafadeed uu soo saaray Premier League ayaa waxa uu ku sheegay in kulankii Axadda ay ku ballansanaayeen Everton iyo Burnley la baajiyey oo waqti kala loo muddayn doono oo la baajiyey, kaddib markii ay sidaas codsatay Liverpool oo ciyaartooyo badan uu kaga dhacay Fayraska Korona, kuwo kalena ay dhaawacan yihiin.

“Bopodhka sare ee maamulka Premier League waxa uu saaka go’aamiyey in kooxaha iyo taageereyaasha uu u caddeeyo, in kulankii Burnley iyo Watford la baajiyey.” Ayuu Premier League ku yidhi war-saxaafadeedkiisa.

Everton ayaa safar ku tegi lahayd Turf Moor hase yeeshee waxay diiwaan-gelisay dersin ciyaartoydeeda ah oo uu ku dhacay Fayraska Korona iyo kuwo kale oo dhaawacyo kaga maqan, taas oo aan suurtogal ka dhigayn inay ciyaaraan.

Tababare Rafa Benitez ayaa hore u yidhi: “Dhibaatadayadu waxay tahay in aanu haysano sagaal ciyaartoy oo gudaha ah oo kaliya, iyo saddex gool-haye, taasina waxay sababtay in aanu u yeedhno shan ciyaartoy oo da’yar ah oo aan xataa 21 jir gaadhin.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan