Arsenal ayaa xaqiijisay in Pierre-Emerick Aubameyang laga xayuubiyay calaamada kabtanimada ka dib markii uu ku xadgudbay anshaxa usbuucii hore.

32-sano jirkaan ayaa laga saaray kooxdii sabtidii 3-0 kaga badiyeen Southampton, iyadoo maamule Mikel Arteta uu xaqiijiyay in ka maqnaanshiyaha ay sabab u tahay edbinta .

Warar la isla dhexmarayey ayaa soo jeedinaya in Aubameyang laga yaabo in laga siibo calaamada kabtanimada, isagoo ka dhaxlaya Granit Xhaka ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee Switzerland sidoo kale laga xayuubiyey.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Arsenal ayaa hadda xaqiijisay in Aubameyang aanu hadda ahayn kabtanka kooxda, isla markaana aanu xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon wax qayb ah ka ciyaari doonin kulanka West Ham United Arbacada sabab la xidhiidha jabintiisii ​​ugu dambaysay ee sharciga kooxda.

“Kadib jebintii anshaxa ee ugu dambeysay todobaadkii hore, Pierre-Emerick Aubameyang ma sii ahaan doono kabtanka kooxda, loomana tixgelin doono doorashada kulanka Arbacada ee West Ham United” ayaa lagu yiri bayaan la soo dhigay website-ka kooxda.

Aubameyang ayaa dhaliyay afar gool 14 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Gunners xilli ciyaareedkan, laakiin goolashii ugu dambeeyay ayaa yimid 22-kii October.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan