@Reuters

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu isaga tago kooxdiisa marka la gaadho suuqa January.

32 jirkaan hal daqiiqo uma ciyaarin kooxda Mikel Arteta tan iyo markii laga xayuubiyay kabtanimada sababo la xiriira xadgudubyo badan oo anshaxeed bishii hore.

Aubameyang ayaa kaliya 18 bilood uga hadhsan tahay inuu sii wato heshiiskiisa haatan ee Arsenal, qaab ciyaareedka fiican ee kooxdu marka uu ka maqan yahay ciyaartoygii hore ee Borussia Dortmund ee shaxda XI ayaa keentay in si wayn loo hadal hayo u dhaqaaqista meel kale.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Haatan, saxafiga Nicolo Schira ayaa sheegay in Aubameyang uu go’aansaday inuu meel kale aado jiilaalka, saddex sano ka dib markii uu markii hore u saxiixay kooxda xilligii Arsene Wenger .

Newcastle United iyo Juventus ayaa loo maleynayaa inay hormuud u yihiin safka loogu jiro saxiixa Aubameyang, iyadoo Magpies horay loo rumeysan yahay inay wadahadalo amaah ah kula jirto ikhtiyaar ay ku iibsan karto.

Aubameyang waxa uu ku faanaa 92 gool 163 kulan oo uu ciyaaray isagoo xidhan maaliyada Arsenal laakiin kaliya afar gool ayuu ka dhaliyay 14 kulan oo Premier league ah xilli ciyaareedkan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan