Saxiixa cusub ee Aston Villa Philippe Coutinho ayaa loo fasaxay inuu wajaho Manchester United kulan ka tirsan Premier League ka dib markii uu dhameystay amaahdii uu kaga soo biiray Barcelona.

29-sano jirkaan ayaa ku sugnaa Faransiiska isagoo soo dhameystay warqadaha ogolaanshihiisa shaqo si uu ugu soo laabto heerka koowaad ee England, waxaana uu haatan awood u leeyahay inuu ku biiro saaxiibadiisa cusub Arbacada.

Sky Sports News ayaa ku warameysa in Coutinho uu diyaar u noqon doono Villa sabtida kulanka labaad ee ay la ciyaarayaan kooxda Ralf Rangnick isbuucaan, iyagoo ka soo haray FA Cup wareega seddexaad ee Red Devils fiidnimadii Isniinta.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Steven Gerrard uma badna inuu soo xusho saaxiibkiisii ​​​​hore ee Liverpool bilowga isbuucaan, ka dib markii ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil uu la ildaran yahay coronavirus usbuucyadii la soo dhaafay, lakiin waxa laga yaabaa inuu kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee Villa Park ka soo muuqdo kursiga keydka.

Coutinho ayaa amaah ugu biiray Aston Villa isaga oo kaga soo biiray Barca ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin heshiiska dhexdiisa waxa jira ikhtiyaar uu ku iibsan karo khadka dhexe ee weerarka 33 milyan oo Gini.

Laacibka reer Brazil ayaa u ciyaaray Liverpool Premier League bishii December 2017 ka dib markii uu u dhaliyay 54 gool sidoo kale caawiye ka ahaa 45 gool 201 kulan oo uu u saftay Reds.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan