Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay ku rajo weyn tahay in Kylian Mbappe uu heshiis cusub u saxiixo kooxda, iyadoo shaki laga muujinayo mustaqbalkiisa caasimada Faransiiska.

23-sano jirkaan qandaraaskiisa haatan ee Parc des Princes ayaa lagu wadaa inuu dhaco xagaaga, ka dib markii ay kooxdu isku dayday inay heshiis cusub la gaarto xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka.

Bisha Janaayo, Mbappe waxa uu heshiisyo mustaqbalka la yeelan karaa kooxo kale, gaar ahaan Real Madrid , oo si weyn loola xiriirinayo, laakiin rajada PSG ee sii heysashada garabka ayaa soo laabatay markii xiddiga heerka caalami ee dalka France uu meesha ka saaray inuu u dhaqaaqayo Bernabeu bisha soo socota.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, ma uusan xaqiijin inuusan ku biiri doonin Los Blancos dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda reer Spain ay weli kalsooni ku qabto inay hesho saxiixiisa xagaaga.

National News ayaa ku warameysa in PSG ay ku rajo weyn tahay inay ku qanciso Mbappe inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda si uu u sii joogo kooxdiisa, taasoo soo jeedineysa in fursada uu ugu guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or ay tahay mid ugu wanaagsan PSG.

Mbappe ayaa dhaliyay 147 gool 195 kulan oo uu u saftay kooxda PSG tan iyo markii uu ka yimid Monaco sanadkii 2018-kii.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan