Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay meel fiican ka marayso saxiixa daafaca dhexe ee kooxda chelsea ee Antonio Rudiger .

Qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ee Stamford Bridge ayaa ku eg bisha June ee soo socota, kooxo dhowr ah ayaana weli loo aqoonsan yahay inay xiiseynayaan adeeggiisa.

Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay hogaanka u heyso safka 28 jirkaan, halka Manchester United la rumeysan yahay inay u sharaxan tahay saxiixiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Bild , PSG ayaa sidoo kale meel fiican ugu jirta inay xaqiijiso saxiixa daafaca, iyadoo wakiilkiisu uu durba wadahadalo la yeeshay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Faransiiska Leonardo .

Chelsea ayaa lagu xamanayaa inay wali rajo ka qabto inay heshiis cusub la gaadho xiddiga reer Jarmal, laakiin ma Bixin karaan mushaharka la sheegayo in laga soo bandhigay meelaha kale.

Da’yarkii hore ee Borussia Dortmund ayaa 170 kulan u saftay Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray Roma 2017, waxa uu ka qayb qaatay sagaal gool iyo todoba caawin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan