Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dejineyso qorshe ay Zinedine Zidane ugu magacaabi doonto macalinkooda cusub kahor xilli ciyaareedka 2022-23.

Zidane ayaa boos la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay shaqada Real Madrid bishii May ee la soo dhaafay, waxaana 49-sano jirkaan la rumeysan yahay inuu xiiseynayo u dhaqaaqista caasimadda Faransiiska.

Mauricio Pochettino ayaa qandaraas kula jira kooxda PSG ilaa June 2023, laakiin Manchester United ayaa la aaminsan yahay inay ka shaqaynayso inay u magacawdo tababaraha reer Argentine dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Marca , kooxda ayaa hubta in Zidane uu maamuli doono kooxda Ligue 1 xilli ciyaareedka 2022-23.

Zidane ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Man United kadib bixitaankii Ole Gunnar Solskjaer ee tababarenimada, laakiin wararka ayaa sheegaya in xiddigii hore ee khadka dhexe uu sugayay shaqada France.

Tababaraha reer France ayaa ku guulaystay laba koob oo La Liga ah iyo saddex koob oo champions League ah labadii xilli ciyaareed ee uu ahaa tababaraha kooxda Los Blancos.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan