Kylian Mbappe iyo Thilo Kehrer ayaa goolasha dhaliyay iyadoo Paris Saint-Germain ay 2-0 kaga badisay Brest ciyaar ka dhacday Parc des Princes.

Kooxda Mauricio Pochettino ayaa sabtidii u gudubtay 11 kulan oo horyaalka ah oo aan laga badinin, inkasta oo ay afar bar-baro galeen shantii kulan ee ugu dambeeyay, waxana ay hogaanka ciyaarta u dhiibay Mbappe daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta waxana goolka labaad ku daray Thilo Kehrer qeybta labaad daqiiqadii 53aad.

Kylian Mbappr ayaa dhaliyay Goolkiisa 10-aad ee Ligue 1 xilli ciyaareedkan, taasoo la micno ah inuu labo jeer sameeyay lix xilli ciyaareed oo xiriir ah – isla muddadaas, ma jiro ciyaaryahan kale oo sidaas sameeyay wax ka badan seddex jeer.

Si kastaba ha ahaatee, wiilasha Pochettino ayaa qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ku soo laabtay kulankan iyagoo gaaray guushoodii 12aad ee gurigooda 13 ka mid ah Ligue 1.

PSG ayaa Hogaanka Horyaalka ku heysa 11 Dhibcood iyadoo leh 50 Dhibcood waxana ku aoo Xiga Nice oo leh 39 dhibcood.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan