Barcelona ayaa xaqiijisay in Ousmane Dembele , Samuel Umtiti iyo Gavi laga helay cudurka Coronavirus.

Afar ciyaaryahan oo kooxda ka tirsan – Dani Alves , Clement Lenglet , Jordi Alba iyo Alejandro Balde – ayaa durbaba is karantiilay ka dib markii uu ku dhacay fayraska.

Barcelona ayaa haatan daaha ka qaaday in saddex ciyaartoy oo kale oo kooxda kowaad ah ay soo laabteen baaritaanno lagu sameeyay, Hadii xaalada sidan ku socoto wuxuu horseedi karaa in kulankooda xiga ee Mallorca la baajiyo 2-da Janaayo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Ciyaartoyda Dembele, Umtiti iyo Gavi ayaa laga helay COVID-19 kadib baaritaanada PCR ee kooxda. Ciyaartoyda caafimaadkooda waa ay wanaagsan yihiin waxayna ku go’doonsanyihiin guriga. Kooxdu waxay kiisaskii u gudbisay masuuliyiinta ay khusayso, ” bayaanka naadiga.

Barcelona ayaan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn tan iyo markii ay barbaro 1-1 ah la gashay Sevilla 21-kii Janaayo, natiijaduna waxay ka dhigan tahay inay ku jirto kaalinta toddobaad ee kala sarreynta La Liga, iyadoo leh 28 dhibcood.

Kooxda reer Catalan ayaa sidoo kale waxaa weli dhaawacyo kaga maqan dhowr ciyaaryahan oo ay ka mid yihiin Sergino Dest , Eric Garcia , Memphis Depay , Sergi Roberto , Pedri iyo Martin Braithwaite .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan