Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ganaaxeyso Ousmane Dembele ka dib markii uu weeraryahanku ku guuldareystay inuu soo xaadiro kulan kooxeed oo ka dhacay xarunta tababarka kooxda subaxnimadii Axada.

Qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka France ee Camp Nou ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, waxaana loo sheegay inuu saxiixo heshiis cusub ama uu baxo ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Dembele ayaa laga saaray shaxdii khamiista ee Copa del Rey ee ay la ciyaareen Athletic Bilbao, waxaana sidoo kale laga saaray shaxdii kulanka axada ee La Liga ee Alaves.

Sida laga soo xigtay AS , 24-sano-jirku ma joogin shir kooxeed subaxnimadii Axadda, isagoo sheegay inuu aad u xanuunsanayo inuu ka soo qayb galo.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda aysan rumaysnayn sheekadiisa, waxaana Dembele uu haatan wajihi karaa ganaax sida uu dhigayo sharciga uu soo rogay Xavi markii uu ku soo laabtay Barcelona isagoo tababare ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan