Saacda: 3:30 gees ka Africa
Garsooraha: Micheal Oliver
Garoonka: Etihad
Koobka: English Premier League
Kooxda Manchester City ayaa marti qaadi doonta kooxda West Ham United.labada koox ayaan ku jiro waqti wanaagsan. Kooxda Manchester City ayaa fadhisa kaalinta 1 aad halka kooxda West Ham ay fadhido kaalinta 4 aad.

Maxaa ka cusub labada koox

Advertisement

Kooxda Manchester City ayaa ku dhaw in ay hesho kooxdeeda dhamaystiran kaliya waxaa ka maqnaan doona daafaca reer Holand Ake.
Kevin De Bruyne ayaa la rajaynayaa In uu ku soo bilaawdo kulankiisa labaad ee xiriir ah kadib kulan kii Arsenal.
Sergio Aguero ayaa ku sii dhawaanayo In uu dib ugu soo laabto shaxda koowaad ee kooxda. Laacibkan ayaa ahaa mid aan la isticmaalin afartii kulan ugu danbaysay asagoona fadhiyay kursigakeyd ka.

David kooxdiisa ayaa u muuqata koox aad qatar u ah waxayna xili ciyaareedkaan soo bandhigtay kubad aad u sareysa.
Ryan Fredericks ayaa shaki la galinayaa in uu ciyaari karo kulankaan.laacib ka ayaana qabo dhawac gumaar ka ah.

West Ham waxaa wali kasii maqnaanayo Andiy Yarmolenk iyo Arthur Masuako waxay na sii maqnaan doonaan in muddo ah.

Daafacyada kooxda Manchester City ayaa samayn kara wax aan koox horay u samaynin taarikhda horiyaal ka England. Hadii ay Manchester City kulan ka West Ham shabaqeeda Ilaashato waxay ka dhigaysaa kooxii ugu yarayd ee gool laga dhaliya 18 kulan xiriir ah waxana la dhaliyay 4 gool oo qura.

Manchester City ayaa wax guuldaro ah kala kulmin kooxda West Ham 10 kii kulan ugu danbaysay ( 8 guul iyo 2 barbaro)

Kooxda West Ham ayaa laga badiyay 10 kulan 11 ciyaar oo ay wajahday kooxda Manchester City,waxayna badisay kaliya hal kulan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here