Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco Noussair Mazraoui ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo inuu beeca xorta ah kaga tago Ajax xagaagan isagoo raadinaya koox cusub.

24-sano jirkaan ayaa 23 kulan u saftay kooxdiisa Holland ololihii 2021-22, isagoo dhaliyay shan gool, waxaana uu ka qeyb qaatay seddex caawin.

Manchester City iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha loo aqoonsaday inay xiiseynayaan daafacan, halka warbixin dhawaan soo baxday ay sheegtay in Barcelona ay u soo bandhigtay fursad ay kula soo saxiixan karto xiddiga reer Morocco, kaasoo ku jira lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa Amsterdam.

Mazraoui ayaa sheegay in kaliya “5%” ay fursad u tahay inuu heshiis cusub u saxiixo Ajax, maadaama uu diyaar u yahay tartan cusub ka dib afar sano oo uu ku sugnaa kooxda koowaad.

“Taasi waa su’aal wanaagsan, waxaan filayaa in fursadaha aan ku sii joogi karo Ajax ay aad u yar yihiin, laga yaabee 5% waxaan u furanahay wax cusub, waxaan halkan ka ciyaarayay 16 sano, waxaana u maleynayaa inay tahay waqti fiican inaan baxo,” Mazraoui ayaa u sheegay. wariyayaal.

Daafaca midig ayaa dhaliyay 10 gool waxana loo diwangeliyay 8 caawin 125 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Holland tartamada oo dhan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan