Rigooro muran dhalisay oo uu Cristiano Ronaldo uu dhaliyay Manchester united ayaa siisay Ralf Rangnick guushii labaad ee isku xigta ee Premier League iyadoo Manchester United ay 1-0 kaga badisay Norwich City.

United ayaa wakhti dheer ku qaadatay guusha garoonka Carrow Road laakiin waxa la siiyay fursad ay ku jabiyaan ismari waa dheer oo lama filaan ah markii Max Aarons uu qalad ku galay Ronaldo taasi oo loogu dhigay Rigoore.

Weeraryahanka Portugal ayaa u soo kacay rigooradii loo dhigay ciyaarta oo ka harsan 15 Daqiiqo isagoo si xoog leh u dhameystiray Goolkaasi

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

United ayaa ku jirta kaalinta shanaad, iyadoo la dhibco ah kooxda kaalinta afaraad ee West Ham, laakiin farqiga goolasha ayaa kaga hooseysaa halka Norwich ay weli seddex dhibcood ka hooseyso halka lagu badbado.

United ayaa booqan doonta Brentford talaadada, halka tababaraha Norwich Dean Smith uu ku soo dhaweynayo kooxdii hore ee Aston Villa Carrow Road.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan