Nigeria ayaa xaqiijisay in ay iska xaadirisay wareega 16-ka ee koobka qaramada Afrika kadib markii ay 3-1 kaga badiyeen xulka Sudan kulan ka tirsan Group D.

Goolal ay qeybtii hore ee ciyaarta u kala dhaliyeen Samuel Chukwueze Daqiiqadii 3aad iyo Taiwo Awoniyi Daqiiqadii 45aad iyadoo lagu kala nastay labadaasi Gool.

Xulka Super Eagles, ayaa Goolka Sadaxaad ka heshay Moses Simon Daqiiqadii 46aad ee qeybta danbe Goolka kaliya ee Sudan waxaa u dhaliyay Walieldin Khedr goolkaasi oo ahaa Rigoore.

Nigeria ayaa laga yaabaa in loo caleemo saaro xulka ku guuleysata kaalinta 1aad ee Group D iyadoo ay ku xiran tahay natiijada Masar ay ka gaarto Guinea-Bissau.

Ka dib markii ay ciyaartii furitaanka garaaceen xulka Masar Nigeria ayaa haatan badiyay labadii kulan ee furitaanka ee laba koob oo isku xigta oo koobka qaramada ah markii ugu horeysay abid, halka Sudan ay badisay kaliya hal kulan 15-kii ciyaar ee ugu dambeeyay ee koobka qaramada Afrika.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan