Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir la sameysay Arsenal oo ku aadan saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang .

32-sano jirkaan ayaa laga saaray shaxda Mikel Arteta tan iyo markii laga xayuubiyay kabtanimada bishii Diseembar ka dib xadgudubyo badan oo anshaxeed ah.

Iyada oo Arsenal ay si fiican u soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican xili aanu ku jirin kabtankoodii hore, Aubameyang ayaa si xoogan loola xiriirinayaa in uu baxayo January waxana la aaminsan yahay in uu miisaami doono dookhyadiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Newcastle ayaa loo aqoonsaday inay xiiso u qabto iyadoo milkiilayaasheeda cusub ay isku diyaarinayaan inay lacag caddaan ah ku shubaan bisha Janaayo, The Mirror ayaana hadda warinaysa inay la xiriireen Arsenal heshiis amaah ah oo ay ku iibsanayaan.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Newcastle ay dooneyso inay amaah kula soo wareegto Aubameyang bishaan ka hor inta aysan sameynin ikhtiyaar ay ku iibsato 20 milyan ginni xagaaga.

Aubameyang ayaa ku faanay wadar ahaan 92 gool iyo 21 caawin 163 kulan oo uu u saftay Arsenal, isagoo kula guuleystay hal FA Cup intii uu joogay Waqooyiga London.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan