Atariishada Neslihan Atagul ayaa waxay la daalaa dhaceysaa cudur calool xanuun ah oo ku dhaca mindhicirada kaasoona u diiday iney sii wadato shaqadeeda ayadoona ka baxday taxanaha gabadhii safiirka oo ay jileysay.

Haatan fanaanada lagu magacaabo Tugbo Ozerk ayaa Neslihan iyo ninka qabo ee Kadir Doglu uga digtay waqtigaan iney ku fakaraan caruur iney isku dhalaan.

Advertisement

Fariin ay usoo dirtay ayaa waxay ku tiri; “Nesli iyo Kadir saaxiibadeyda qiimaha lahow, hadaad ku fakareysaan caruur inaad isku dhashaan waqtigaan iska jira hadaba midaas inaad ku dhaqaaqdaan”.

Ayadoo hadalkeesa sii wadato sidoo kalana Nesli talo gaar ah siineyso ayaa waxay tiri; “Haatan ku dadaal inaad caafimaado, markii xaalkaaga hagaago ka fakar caruur inaad dhasho, tani waa talo aan aniga idiin siinaayo”.

Tugbo ayaana ku sheegtay sababta ay uga digeyso caruur iney haatan isku dhalaan ama isku dayaan iney tahay in iyada horay u qabtay cudurka Neslihan haatan qabto isla markaasna uu u diiday iney hooyo noqoto cimrigeeda inta ka dhiman.

Tugba ayaa sheegtay in cudurkaan uu yareeyo ugxanta ilmo galeenka soo daayo taasina ay sababto fursada gabadha uur ku qaadi karto iney yaraato ama noqoto mida soo gabagabowdo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here