Nat Phillips ayaa qirtay inuu diyaar u yahay inuu ka tago Liverpool bisha Janaayo ka dib markii uu hoos uga dhacay Kooxda qeybta hore ee xili Ciyaareedkan.

Daafaca dhexe ayaa ciyaaray markii kooxda Merseyside ay AC Milan ku garaacday San Siro horaantii bishaan ciyaar uu sidoo kale dhaawac ka soo gaaray dhabanka .

Si kastaba ha ahaatee, dhaawaca ayaa kaliya la filayaa inuu ku soo maqnaado ilaa dhamaadka Janaayo, taasoo hubineysa in kooxaha ay weli xiiseynayaan saxiixiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo la hadlayay Sky Sports News , 24-sano jirkaan ayaa daaha ka qaaday in Jurgen Klopp uu aqbalay inuu u baahan yahay daqiiqado badan laga bilaabo bisha soo socota.

West Ham United ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo ka tirsan Premier League kuwaas oo la socday xaalada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan