Garoowe (Dalkaan.com) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo haatan ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2021-ka ayaa khudbad xasaasi ah wuxuuu ka jeediyey madasha aragti wadaaga ee Garoowe.

Khayre ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha ammaanka, dhammeystirka Dastuurka, doorashooyinka iyo yagleelidda nidaam federaal oo shaqeynaya.

Advertisement

Ugu horreyn wuxuu shaaca ka qaaday Soomaaliya ay sanadihii ugu dambeeyey ay ku tallaabsatay horumaro la taaban karo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan loo baahan yahay in loo istaago ka gudbista marxaladan masiiriga ah ee hadda lagu jiro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la joogu xilli muhiim ah oo u baahan in laga fakaro mustaqbalka Soomaaliya iyo sida ay noqon karo sanadaha soo socda.

“Sida looga gudbo xaalada taagan ayaa waxaa ay ka turjumeysaa halka aan u socono iyo in la helo dowladnimo hana qaado, balse hadii laga gudbi waaya ay dhici karto in 30 sano oo kale la joogo meesha aan hadda joogno,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Musharrax Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yiiin a ka dhabeynta hamigooda dowladnimo.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday arrimaha deyn cafinta oo uu tilmaamay in guullo muhiim ah laga gaaray wejigii koowaad, isaga oo xusay inay sababtay in lag gu guuleysto dib u so celinta wada shaqeyntii Soomaaliya kala dhaxeysay Hey´adda lacagta aduunka (IMF), Bankiga aduunka(WB), Bangiyada horumarinta, Hey’adda ceymiska maalgashiga dowliga ah (MIGA), Hey´adda maalgashiga caalamka ee IFC iyo Hey´adda horumarinta caamaliga ah ee (IDA).

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo muranka ka taagan, isaga oo shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal mideysan laga gaaro doorashada.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here