Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa lagu wadaa in maanta kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacaya hotelka Jaziira ayaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow ka bilaaban doono halkaasi oo ay haatan ku sii qul-qulayaan xubnaha musharraxiinta ah.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo xaaladihii ugu damebeeyey ee soo kordhay iyo weliba dooda ka taagan doorashada 2020/21.

Sidoo kale waxaa la filayaa in musharraxiinta mucaaradka oo ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee dalka iyo ra’iisul wasaarihii hore, Mudane Xasan Cali Khayre inay soo saaraan go’aanno cusub oo la xiriira xaaladda dalka iyo doorashada.

Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyey marti gelineysay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo ku qotomo marxaladda adag ee kala guurka ah.

Si kastaba shirkan cusub ee ay yeelanayaan musharraxiinta ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay Muqdisho lagu qabtay madasha iskaashiga Soomaaliya iyo saaxibada beesha caalamka oo khudbado kala duwan laga jeediyey, kuwaas oo looga hadlay doorashada.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here