Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo haatan magaalada Muqdisho uga socdo musharraxiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ama Somaliland.

Kulanka oo goor dhow furmay ayaa waxaa shir guddoominayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo looga arrinsanayo doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah kulan-weynahan loogu falanqeynayo dooda ka taagan guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan xubnaha gobollada waqooyi ee dalka.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsan doono talooyin ku aadan doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka ka taagan guddiyada.

Dooda ugu adag ayaa ka taagan hannaankii loo soo xulay guddiyada Somaliland ku metalayo doorashooyinka oo uu si weyn uga horyimid guddoomiyaha aqalka sare.

Doorashada Soomaaliya oo u muuqata inay dib uga sii dhaceyso waqtigii loo asteeyey ayaa waxaa hareeyey is-jiid u dhexeeya dowladda dhexe iyo mucaaradka dalka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here