Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Warar soo baxaya oo ay heshay Dalkaan.com ayaa sheegaya in todobaadka soo socda ay kulan gaar ah magaalada Nairobi ku yeelan doonaan musharraxiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisada badan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in dhinacyadaasi ay si gaar ah uga wada-hadli doonaan dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashada ee 2020/21.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka u dhexeeya xubnaha midowga musharraxiinta, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, kadib ay dhinacyadaasi shir gaar ah la yeelan doonaan xubnaha beesha caalamka, si ay ugu gudbiyaan tabashooda ay qabaan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaan weli soo magacaabin guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleedyadooda, iyaga oo shuruud ku xiray in marka hore la xaliyo khilaafka ka taagan doorashada iyo arrinta ciidanka dowlada ee gobolka Gedo.

Si kastaba kulankan ee ay yeelan doonaan dhinacyadan, islamarkaana ka dhacaya Nairobi ayaa ku soo aadaya, xilli Soomaaliya ay xiriirkii u jartay dowladda Kenya.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here