Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaal marinta xidiga sanadka ee taageerayaasha kadib markii uu ku garaacay lix kooxood oo Premier Leaque-ga ku xafiiltama.

Weeraryahanka Masar ayaa isku muujiyay xilli ciyaareed kale oo heer caalami ah iyadoo Liverpool ay ku guuleysatay horyaalka Premier League xagaagii hore 18 dhibcood.

Salah ayaa dhaliyay 19 gool waxaana uu caawiyay 10 gool ololihii hore, waxana uu ku socdaa wado lamid ah xilli ciyaareedkan marka la eego goolashada uu dhaliyay.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Salah ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan ku bilowday qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 13 gool oo horyaalka ah iyo Caawin.

Salah ayaa iska difaacay lix ciyaaryahan oo la tartamayay si uu ugu guuleysto abaalmarinta xiddiga sannadka ee taageerayaasha, iyadoo kabtanka Aston Villa Jack Grealish uu ku dhameystay kaalinta labaad ee codeynta.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan