Mohamed Salah ayaa barbareeyay rekoodhkii Jamie Vardy ee ahaa gool dhalinta ama caawinta gool 15 kulan oo xidhiidh ah oo Premier Leaque-ga ah waxaana taas ugu wacan goolkii uu caawa ka dhaliyay Newcastle United .

ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa qaab ciyaareed qatar ah ku jira ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, iyadoo goolkiisii kulanka Caawa Newcastle uu ahaa kii 15aad ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Salah ayaa sidoo kale 9 caawin sameeyay 17 kulan oo uu saftay Premier League xilli ciyaareedkii 2021-22, isaga oo ka dhigay hogaanka gool dhalinta iyo caawinta.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Rikooryo dhowr ayuu horay u sameeyay 29 jirkaan xilli ciyaareedkan, waxaana uu barbareeyay mid kale oo ka dhacay Anfield isagoo si toos ah uga qayb qaatay goolkii 15aad ee Premier League oo isku xigta.

Kaliya Vardy 2015 ayaa waligiis sidaas gaaray, Salah ayaana haatan fursad u heli doona inuu kaligiis hogaamiyo marka ay Liverpool wajaheyso Tottenham Hotspur axada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan