Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuusan qorsheyneynin inuu bisha Janaayo iibiyo Hakim Ziyech ama Timo Werner midkood .

In kasta oo labada ciyaaryahan ay ku dhibaatoonayeen arrimo dhaawacyo xilli ciyaareedkan, waxay weli sameeyeen 13 iyo 10 kulan.

Si kastaba ha ahaatee, wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in ugu yaraan mid ka mid ah labada ciyaaryahan loo ogolaan karo inuu si ku meel gaar ah uga tago Stamford Bridge bisha soo socota.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

inkastoo xamanayo kooxda Borussia Dortmund xiisaha labada xidig, Evening Standard ayaa sheegaysa in labada xidig ay sii joogi karaan London.

Warbixintu waxay intaasi ku dareysa in Tuchel laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu ka fikiro mustaqbalkooda inta lagu jiro suuqa xagaagan

Malang Sarr iyo Ross Barkley ayaa la sheegayaa in ay yihiin Cayaartoyda kaliya ee macquulka ah in ay isaga tagaan kooxda Chelsea marka uu dhamaado sanadkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan