Eljif Elmas ayaa qeybtii hore ee ciyaarta goolka dhaliyay iyadoo Napoli ay 1-0 kaga badisay Milan kulan ka tirsan Serie A. 

Kooxda Luciano Spalletti ayaa guuldarrooyin xiriir ah oo horyaalka ah ka soo gaartay Atalanta iyo Empoli, lakin 5 Daqiiqo ayay ku qaadatay guusha San Siro markii kubad madax ah uu u dhaliyay Elmas – waana goolkiisa ugu horeeyay tan iyo Ogosto.

Kooxda Stefano Pioli ayaa dadaal ku bixisay qeybtii labaad ee ciyaarta ,laakin ma aysan awoodin in ay goolkaasi bar-bareeyaan iyadoo gool laga diiday Franck Kessie kadib markii lasoo eegtay VAR.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Napoli ayaa dhaaftay Milan si ay u soo gasho kaalinta labaad, iyadoo labadoodaba afar dhibcood ka dambeeyaan kooxda difaacaneysa horyaalka ee Inter.

Milan ayaa u safri doonta Empoli Arbacada, markaasoo Napoli ay martigelineyso Spezia, kulanka ugu dambeeya Serie A ee 2021.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan