Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay lacag kaash ah mar kale suuqa galiso bisha January iyaga oo bar-tilmaameedsanaya dhanka weerarka sida uu qiray qoray Giacomo Pisa.

Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaarsaday liiska seddexda weeraryahan, iyadoo weeraryahanka Sevilla Youssef En-Nesyri loo arko bedel ka jaban Dusan Vlahovic iyo Dominic Calvert-Lewin.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la xayiray tan iyo markii laga qaaday calaamada kabtanimada, waxaana lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Barcelona ama Juventus.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Dhanka kale Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah ayaa qandaraaskoodq uu dhacayaa xagaaga, taasoo ka dhigeysa Arsenal inay baahi weyn u qabto saxiixyada weerarka.

Sidoo kale madaxa suuqa kala iibsiga Edu ayaa heysta dookha xidiga Kooxda Fiorentina Ace Vlahovic iyo Calvert-Lewin oo ay ku wehliyaan En-Nesyri.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan