Muqdisho (Dalkaan.com) – Golaha ay ku midoobeen inta badan musharaxiinta mucaaridka ah ayaa maanta qoraal kasoo baxay waxa si weyn ugu cambaareeyeen Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz, kadib markii uu taageero u muujiyey guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay ka xun-yihiin taageerada iyo bogaadinta uu Safiirka Turkiga u muujiyey guddigaas, kaasi oo ay ku tilmaameen guddi aan sharci aheyn oo ay iska magacaabatay dowladda.

Advertisement

“Waxaa is burinaya bogaadinta Safiirka Turkiga ee guddiga sharci darada ah iyo inay dowladdiisu qeyb ka tahay war-murtiyeedkii beesha caalamka ee soo baxay 15/12/2020 kaasi oo tibaaxaya in Guddiga uu yahay mid dhinac ah, isla markaana aan buuxnin shruudihii lagu heshiiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Turkiga ayaa qeyb ka aheyd qoraal ay si wada-jir ah usoo saareen beesha caalamka oo walaac xoogan looga muujiyey hanaanka doorashooyinka dalka, iyagoona saamileyda siyaasada ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu kulmaan, si loo xaliyo tabashooyinka ka taagan doorashada.

“Waxaan diyaar u nahay inaan taageero siino guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka taagan xubnaha ay ka kooban yihiin si guul leh lagu soo gabagabeeyo,” ayaa lagu yiri qoraal ay si wada-jir ah usoo saareen dalalka beesha caalamka oo uu qeyb ka ahaa Turkiga.

Musharaxiinta ayaa ugu baaqay dowladda Turkiga inay wax ka qabato tallaabada uu ku dhaqaaqay Safiirkooda Soomaaliya, isla markaana ay dhex-dhexaad ka noqoto arrimaha doorashada iyaga oo kala xigsaneyn madaxweyne Farmaajo iyo musharaxiinta kale ee loolanku kala dhaxeeyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu Goluhu uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ee walaalaha nahay ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka Musharaxiinta ayaa imanaya xili ay walaac xoogan ka qabaan in madaxweyne Farmaajo uu sameeyo wax ay ugu yeeren “boob iyo ku shubasho doorasho”, isaga oo adeegsanaya awooda dowladda iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa caalamka.

Doorashada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa hareeyay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya dowladda federaalka, musharaxiinta mucaaridka iyo qaar kamid ah madaxda maamulada dalka, kaasi oo la fahamsan yahay inuu meesha ka saarayo doorasho xiligeed ku qabsoomta.

Hoos ka aqriso qoraalka

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here