Meydka sarkaal ka tirsanaa ciidanka AMISOM oo laga helay XALANE

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Meydka sarkaal ka tirsanaa AMISOM, gaar ahaan ciidanka Ugnda ayaa subixii sabtida laga helay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaasi oo ahaa Boolis ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Edward Bagonza, sida uu shabakadda Pmldaily u xaqiijiyey Grace Turyagumanawe oo ka tirsan AMISOM.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa, balse waxa uu sarkaalku sheegay in Meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xerada Xalane oo ah taliska ciidamada nabad ilaalinya Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Waxaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho Sabtidii.” ayuu yiri Grace oo aan faah faahin ka bixin sababta dilkiisa.

Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa haatan wada qaban qaabada aaska loo sameynayo sarkaalkaasi.

Dhacdadan ma’ahan tii ugu horreysay, waxaana horay gudaha Xalane isugu dilay dhowr askari, halka kuwa kale ay ku dhinteen iska hor imaadyo ka dhacay xeradaasi.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxaa ciidamada ugu badan ay ka socdaan dalka Uganda oo askar badan looga dilay gudaha Soomaaliya.

Dalkaan.com
Xafiiska Muqdisho
admin@dalkaan.com

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Source: dalkaan

Sports News
WARARKII