Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Faah faahino kal duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo la yaab ku noqotay dadka deegaanka, kadib markii ay kusoo waabariisteen meydadka saddex qof oo lasoo dhigay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Meydadka oo ahaa haween ayaa saaka lagu arkay waaxda Kur-Damac ee degmadaasi, sida ay Dalkaan.com u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in meydadka ay korkooda ka muuqatay rasaas loo adeegsaday toogashadooda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in illaa iyo hadda la aqoonsan la’yahay meydadka dumarkaasi oo ay kor-tageen dadka deegaanka.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhacdadan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan falkaasi argagaxa leh.

Habeen hore ayey aheyd markii dhacdo tan la mid ah ay ka dhacday gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii lasoo dhigay meydadka saddex dhalinyaro ah oo si arxan darro ah loo dilay taas oo dadka deegaanka ku abuurtay cabsi iyo wal-wal aad u xoogan.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here