Facebook

Advertisement

Hague (Dalkaan.com) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sheegtay inay maanta soo geba-gebyn doonto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kadib dhageysiga maanta ay guda geli doonto gaarista go’aanka kiiskan, islamarkaana ay xukmin doonto, inkasta oo aysan shaacin waqti rasmi ah.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Sidaas darteed, ayey tiri maxkamadda, Soomaaliya ayaa maanta soo gudbin doonta dooddeeda ugu dambeysa, saacadda magaalada Hague marka ay tahay 3:00pm, taasi oo ku beegan 5:00pm xilliga Muqdisho.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa shalay ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

Go’aanka Maxkamadda ay ku diiday codsiga Kenya ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya, iyo qareenada matalaya, sababtoo ah Kenya ma ka haysato fursad ay isku difaacdo.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here