Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo ay ku beegan tahay 24 bishaan April ee 2021-ka u fariisatay dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.

Fadhiga maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ah saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale.

Eedeysanayaasha kiiskan loo heysto ayaa isugu jiro saraakiil iyo sidoo kale askar ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda.

Sidoo kale maxkamadda ayaa waxaa loo horgeeyey cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale la filayaa inay go’aan kasoo saarto kiiskan oo horey guddi gaar ah loogu xil-saaray, kaas oo baaritaan dheeraad ah kusoo sameeyey dhacdadaasi, wuxuuna guddigu shaaciyey in si bareer ah loo toogtay marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xilli habeen ah 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee  magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay wadanka Turkiga oo uu u aaday arrimo caafimaad.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here