Xidiga caanka ah ee in ka badan 20-sano fanka Hindiya ku jiro Abhishek Bachchan ayaa 5-tii bishan Febraayo u dabaal dagay sanad guuradiisa 45-aad wuxuuna dhashay 5 Febraayo 1976 wuxuuna ka mid yahay atoorayaasha Bollywood-ka ee aan la buun buunin balse door kasto sameyn karo sidoo kalena aad looga helo doorarka uu aflaanta kala duwan ka qaato.

Advertisement

Maalmo ka hor Abhishek shaqo filim jilis ama duubis ayuu ku guda jiray markii ay ugu soo aaday sanad guuradiisa 45-aad marka uu howshiisa dhameestay isla markiiba diyaarad ayuu u raacay dhankaas iyo Hydebarad si uu waqti ula soo qaato xaaskiisa Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadhiisa Aaradya Bachchan wuxuuna Abhi sheegay inuu aad u jecel yahay sanad walbo marka uu sanad guuradiisa u dabaal dagayo shaqo filim jilis bartanka inuu kaga jiro.

Abhishek wuxuu sheegay laga soo bilaabo sanadii 1998 markii uu filimkiisii kowaad Refugee duubayay asigoo 23-jir ah sanad guuradiisa ugu soo beegantay xili uu duubis ku jiray ilaa maantadan uu jecel yahay marka dhalashadiisa tahay duubis inuu ku guda jiro halkii uu guriga xaflad ku dhigan lahaa waxaana xusid mudan in xidigan filimkiisii kowaad Refugee tiyaatarada la saaray sanadii 2000.

Dhinaca kale Abhishek wuxuu sheegay in halmar ay dhacday 23-ka sano ugu dambeesay halmar dhacday sanad guuradiisa dhalasho ugu soo beegantay xili uusan shaqo filim jilis ku guda jirin waana sanadii 2009 mar uu magaalada New York joogay si uu filimkiisa Delhi 6 xayeysiin ugu sameeyo laakiin dhamaan sanadaha kale Juniour Bachchan waxay ugu soo beegmeesay dhalashadiisa marxalada uu jecel yahay oo ah inuu filim jilis ku guda jiro marka dhalashadiisa tahay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here