Muqdisho (Dalkaan.com) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Askar ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu soo daadiyey isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda, iyada oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Advertisement

Sidoo kale ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa baabuurta dadweynaha, kuwa gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka ka celinayo waddooyinkaasi.

Dadweynaha ayaa sidoo kale maalaya caagahooda, si ay u gaaraan goobaha ay rabaan, iyada oo xirnaashaha jidadkaan ay si weyn u saameysan dadka dhacabka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinkaasi ay tahay in maanta uu dhacayo dibad-bax lagu taageerayo dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kalena laga cabsi qabo inuu dhaco mid kale oo looga soo horjeedo madaxweynaha & dowladiisa.

Si kastaba xaaladda Muqdisho ayaa ah mid kacsan, iyada oo maalin ka hor ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshada watay oo sababay dhimasho & dhaawac.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here