Muqdisho (Dalkaan.com) – Ku dhawaad mudo bil ah waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhammaan madaxda Soomaalida, waxayna isku fahmi la’yihiin hanaanka qabsoomidda doorashada dalka, taas oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey.

Intaas waxaa socday, oo aan kala joogsan dadaalada wakiillada beesha caalamku ay ku doonayaan inuu dhaco shir guud oo madaxda Soomaalidu ay heshiis uga gaaraan khilaafka ka taagan hir-gelinta doorashooyinka dalka.

Advertisement

Madaxda dowladda federaalka ayaa madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ku eedeynaya inay diidan yihiin ka soo qeyb galka shir guud oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka doorashada.

War-saxaafadeedkii ugu dambeeyay waxay madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay in Deni iyo Axmed Madoobe looga codsanayo inay ka soo qeyb galaan shir weyne dhawaan looga hadli doono ismar-waaga ka jira doorashada dalka.

Dhankooda war-saxaafadeed ay si wadajir ah maanta u soo saareen madaxda Puntland iyo Jubaland ayay ku sheegeen in madaxda dowladda federaalka ay xagal daacinayaan shirkii loo ballansanaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Dad badan waxay is weydiinayaan maxaa Beesha Caalamka ka hor taagan inay qasbaan madaxda Soomaalida? Maadaama ay isugu keentay Muqdisho, balse aysan weli ku guuleysan inay shir guud isugu keento.

Professor Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah khabiir ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa mar uu la hadlayey BBC waxa uu sharaxay dhowr sababood oo uu aaminsan yahay in beesha caalamku aysan cadaadis xad-dhaaf ah ku saari karin siyaasiyiinta isku khilaafsan aayaha dalkooda ee Soomaaliya.

“Beesha Caalamka ee la sheegayo waxay noqon karaan waddamo ay Soomaaliya u wada hadli karaan dal ka dal ama waa urur goboleedyo heer gobol ama heer qaaradeed ah ama waa ururro caalami ah sida Qaramada Midoobay iyo wixii la mid ah, marnaba Soomaalidu kuma khasbana Jamhuuriyad ahaan iyo ka dowlad ahaanba in xaanshi loo soo qoray ay ku dhaqanto ama ay raacdo. Waxaad mooddaa in lasoo dhaafay xilligii xukuumadda Soomaaliya ay ku jirtay ku meel gaarnimada oo laga caawinayay dal dhiska, nabadeynta iyo dib u mideyntiiba. Tan iyo doorashadii 2012-kii waxaad moodaa in laga baxay ku meel gaarnimadii, sidaas darteedna ay tahay in la xurmeeyo gobanimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Prof. Bursaliid.

Sidoo kale Professor Bursaliid ayaa qaba in wadada kale ee u furan beesha caalamka ay tahay mid qalafsanaani ku imaan karta.

Waxuuna yiri, “Dal walba wuxuu ku sabsan yahay inuu Soomaalida ku xurmeeyo go’aannadooda masiiriga ah, sida uu Shiinuhuba caddeeyay, laakiin hadiiba ay noqoto in talooyin guracan la siiyo waa in loo qariyo oo si hoose oo saaxiibtinnimo leh loogu sheego ama si hanjabaad ah loogu sheego, hadiiba uu jiro dal tun buuran sida Mareykanka, Turkiga iyo Ingiriiska.”

Sidoo kale Prof. Bursaliid ayaa sheegay in sabab ugu muhiimsan oo aysan Beesha Caalamku dhinacyada isugu soo dhaweyn karin ama aysan wax u qaban karin ay tahay, in aysanba dooneyn in danihii ay ka lahaayeen xukuumadda markaas jirta dalkan ay wax uga waayaan ama maamul laga yaabo in danahooda ay ka waayaan uu muusha ka dhasho.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here