Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa ka dhacay xeyndaabka Xalane, iyadoo looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ilo ku dhow kulanka safiirada beesha caalamka iyo shanta hoggaamiye goboleed ayaa sheegay in si gaar ah diirada lagu saaray xal u helida muranka hareeyey doorashada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday qabsoomida shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee Afisyoono, si loo sii amba-qaado wada-hadallada looga arrinsanayo , sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka jira dalka.

Kulankan waxaa garwadeen ka ahaa ergeyga Qaramada Midoobay, James Swan oo ay wahlinayeeyn danjiraha Midowga Afrika iyo safiirada qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah leeyihiin madax goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba dadaallada ka socda Muqdisho ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here