Qoraalkaan ayaan diirada ku saari doonaa tobon xidig ee iska diiday xulka Ingriis ka ayagoona doortay Xulal kale.

1- Jamal Musiala

Advertisement

Jamal ayaa iska diiday isbuuca aan ku jirno gudihiisa dalab uu ka helay xulka England si uu u matalo. Laacib ka ayaa ku barbaaray kuna waxbaratay Cariga England.

Laacib kaan ayaa hada wacdaro la dhigayo kooxda Bayern Munich taasi ayaana sababtay in Xulka England looga yeero.
Ugu danbayntii laacib ayaana doortay in uu matalo Xulka Germany.

2- Ryan Giggs

Laacib kii hore ee Kooxda Manchester United ayaa iska diiday dalab uu ka helay Xulka England badalkeeda uu doortay Xulka Wales.

3-Wilfried Zaha

Wilfried Zaha ayaa ka mid ah laacibiin ta iska diiday in ay ma talaan Xulka England. Laacib kaan ayaa taasi badalkeeda doortay dalka uu asal ahaan ka soo jeedo Ivory Coast.

4-Giovanni Reyna

Reyana ayaa ku dhashay Dalka England ayaa iska diiday dalab uu ka helay Xulka England wuxuuna matalay Dalka USA.

5-Victor Moses

Laacibkaan ayaa ku dhashay Dalka Nigeria. Markii ay da’diisu gaartay 11 sano ayay u guureen Dalka England. Laacib ka ayaa iska diiday Dalka England waxa uuna matalay Dalkiisa Nigeria.

6-Simone Perotta

Laacib ka Reer Italy ayaa dalab ka helay Xulka England Wuxuuna ka doorbiday Xulkiisa Italy.

7-Wes Morgan

Xoog waynahaan ayaa doortay in uu matalo Xulka Jamaica asagoona iska diiday Xulka England.

8-Adnan Januzaj

Laacibkii hore Manchester United Adnan ayaa loo soo jeediyay in uu matalo Xulka saddax da libaax laacib ka ayaana dalab kaa iska diiday waxa uuna doorntay Xulka Belgium.

9-Louis Saha

Sido kale Louis Saha ayaa ka mid ah laacibiinta iska diiday Xulka England waxa uuna doortay Xulka France.

10-Lewis Holtby

Laacib kaan ayaa iska diiday in uu matalo Xulka England isagoona doortay dalka Germany. Waxaana la yaab noqotay in laacib kaan uu iska diiday in uu matalo dalka England. Laacib ka aabihiisa ayaa ahaa askari hore oo reer England ah.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here