Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax dalab ah ka helin xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ka hor suuqa kala iibsiga ee January.

28-sano jirkaan ayaa kaliya lix bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa Old Trafford, mana jiraan calaamado muujinaya inuu ka xaajoon doono heshiis cusub.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ralf Rangnick ayaa diyaar u ah inuu u ogolaado Pogba inuu ka tago kooxda suuqa jiilaalka, si kastaba ha ahaatee Red Devils ayaan weli helin dalab ‘hal halis ah’ oo ku aadan xiddiga reer France.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in United ay awoodi wayday inay la soo wareegto ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah xagaagii hore iyagoo go’aansaday inay mudnaanta siiyaan saxiixyada Jadon Sancho , Raphael Varane iyo Cristiano Ronaldo , iyagoo ku qarash gareeyay in ka badan 100 milyan ginni.

Pogba oo horay loola xiriirinayay kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaan wax kulan ah u ciyaarin Man United tan iyo kulankii ay guuldarada 5-0 ah kala kulmeen Liverpool bishii October sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan