Tamil Superstar Chiyaan Vikram ayaa soo gaba gabeyn rabo duubista filimkiisa Cobra ee la wada sugaayo dhawaana shaaca laga qaadi doono waqtiga rasmiga ah ee mashruucan la daawan doono waxaana Director ka ah Ajay Gnanamuthu waxaana lagu wadaa todobaadkan inay dalka Russia aadan si ay jadwalka ugu dambeeyo mashruucan halkaas ugu soo duubaan.

Advertisement

Kadib Virkram bisha Maarso ee nagu soo fool leh wuxuu bilaabi doonaa duubista filim cusub oo ay isla hogaamin doonaan wiilkiisa Dhruv waxaana Director ka ah Karthik Subbaraj welina wax magac ah looma bixinin balse si ku meel gaar ah filimkan waxaa loogu bixiyay Vikram 60 madaama uu yahay Vikram filimkiisa 60-aad ee uu hogaamiye ka yahay waana filim Action dhameestiran ah oo shaqadiisa socon doono ilaa bisha June horaanteeda.

Vikram todobaadkii hore wuxuu soo gaba gabeeyay duubista filimkiisa weyn Ponniyin Selvan ee Mani Rathman Director ka yahay kana soo muuqan doonaan jilaayaasha faraha badan sida Karthi, Jayam Ravi, Sarathkumar Jayaram, Aishwarya Rai Bachchan, Trisha, Vikram Prabhu, Aishwarya Lekshmi iyo Sobhita Dhulipala waxaana lagu daawan doonaa dhamaan luqadaha kala duwan ee Hindiya looga hadlaayo waana filim boqortooyo oo taariikh hore ka hadlaayo.

Markaan usoo laabano Vikram iyo wiilkiisa Dhruv mashruuca ay kasoo wada muuqanayaan wuxuu Director Karthik Subbaraj sheegay inay sharad u tahay sameynta filim Vikram iyo wiilkiisa kasoo wada muuqanayaan wuxuuna taageerayaasha Vikram ka balan qaaday in mashruucan qof walbo ka heli doono madaama fariin adag oo waaqici ah Action-na u badan tahay lana qorsheenayo qaybaha dambe sanadkan ama horaanta sanadka dambe la daawado.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here