Waxaan horey idin kula wadaagnay in filimka weyn Cirkus Ranveer Singh hogaamiye ka yahay labo door ku jilaayo sidoo kalena Rohit Shetty Director ka yahay waana filim shactiro iyo jah wareer isku jiro oo haatan duubistiisa ka socoto magaalada Mumbai waxaana atirishooyin ka ah Pooja Hegde iyo Jacqueline Fernandez ayadoo qorshaha uu yahay in dabyaaqada sanadkan la daawado.

Advertisement

Haatan aqbaarta xiisaha badan filimkan Cirkus kasoo korartay ayaa ah in shactiroolaha laga dambeeyo Johny Lever kusoo biiray jadwalka duubista mashruucan door muhiim ahna ka cayaari doono filimkan shaqadiisa soo bilaabatay bishii November ee sanadkii hore haatan meel xasaasi ah shaqadiisa mareyso.

Ranveer Singh ayaa baraha bulshada shaaca kaga qaaday in halyee Johny Lever oo Soomaalida u taqaan duubista Cirkus soo xaadiray aadna ugu faraxsan yahay inay muuqaalo shactiro iyo jah wareer ku dheehan isla sameenayaan. Sidoo kalena Director Rohit Shetty aad ayuu kaga helaa la shaqeynta Amadi madaama uu doorar muhiim ah ka qaatay filimadii ugu dambeeyay Rohit sameeyay sida Golmaal 3, Dilwale iyo Golmaal Again.

Johny Lever filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Coolie No. 1 oo uu door askari shactiroole ah ku matalay aadna looga helay kaalintiisa iyo sida ay Varun Dhawan isku dhibayaan haatana wuxuu ku faraxsan yahay halyeegan ku dhawaad 40-sano fanka Hindiya ku jiro in filimka Cirkus door adag laga siiyay waana fariimaha uu jecel yahay madaama mashruucan shactiro iyo jah wareer isku jiro yahay ayadoo Ranveer Singh labo door mataane ah ku jilaayo oo dadka wareerin doono.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here