Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa “rajaynaya” inuu arko Neymar oo ka soo kabanaya dhaawacii uu ka soo gaaray kulankii Real Madrid ee Champions League .

Laacibkii hore ee Barcelona ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray kulankii Saint-Etienne bishii November laakiin kama foga ku soo laabashada tababarka kooxda.

PSG ayaa ku soo dhawayn doonta kooxda Real Madrid garoonka Parc des Princes lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions Leaque-ga 15ka bisha February, Pochettino ayaa si aamusnaan ah ugu rajo wayn in Neymar uu soo laaban karo kulankan

Weli ma garanayno, waxaan rajeyneynaa sidaas, waa inaan raacnaa horumarkiisa, waa inuu sii wadaa usbuuca soo socda, waxaan rajeyneynaa inuu halkaas joogi doono,” Pochettino ayaa u sheegay saxaafada ka dib markii Axadii Ligue 1 ay ku xasuuqday Reims.

Neymar ayaa dhaliyay 3 gool 3 kalena caawiye ka noqday 10 kulan oo Ligue 1 ah oo uu saftay xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ku guul daraystay in uu is diiwaan geliyo afar kulan oo champions League ah ka hor inta uuna dhaawacmin.

Kylian Mbappe iyo Lionel Messi ayaa labadoodaba taam u noqday kulankii Axadii ee ay 4-0 kaga badiyeen Reims, iyadoo PSG ay haatan wajahayso isku dhacyo adag oo ay la gashay Nice, Rennes iyo Lille ka hor inta aysan booqan Los Blancos.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan