Mohamed Salah ayaa ku dhiiri galiyay xulka Masar in ay iska xaadiriyaan semi-finalka koobka qaramada Afrika kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen xulka Morocco.

Masar oo doonaysay in ay sii dheeraysato rekoodhka koobka AFCON ee siddeedaad, markii ugu horaysay tan iyo 2010 ayaa mar kale wacdaro dhigtay.

Xulka Moroccco ayaa daqiiqadii lixaad ee ciyaarta hogaanka qabtay markii uu gool  rigoore ah u dhaliyay Sofiane Boufal.

Rigoorada ayaa timid ka dib markii VAR dib u eegis dheer lagu sameeyay ka dib markii Ayman Ashraf uu qalad ku galay Achraf Hakimi oo ku jiray dhanka midig ee diilinta ganaaxa.

Masar ayaa inta badan kubad heysashada gacanta ku heysay qeybta hore ee ciyaarta laakiin jawaabtooda ma aysan dhicin ilaa sideed daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad, Salah ayaa kubad uu soo baxshay goolhayaha si fudud shabaqa ugu taabtay daqiiqadii 53aad waqtiga caadiga isla Xidiga reer Masar ayaa Goolka labaad kasoo shaqeeyay.

Mo Salah ayaa kubad qurux badan uu kasoo jiiday dhanka midig si fudud banaanka ugu dhigay Trezeguet,kaasi oo dhameestiray Ciyaarta oo socota 100 Daqiiqo guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1.

Masar ayaa hadda wajihi doonta Cameroon maalinta Khamiista.

Danka kale

Cheikhou Kouyate iyo Ismaila Sarr ayaa goolal dhaliyay iyadoo Senegal ay 3-1 kaga badisay Equatorial Guinea una soo baxday semi-finalka koobka Qaramada Afrika.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan