Atariishada Fahriye Evcen oo u dhaxdo jilaaga caanka ah ee Burak Ozcivit sidoo kalana ah hogaamiyaha taxana Kurulus Osman ayaa dhalinta Turkiga ka yaabsatay kadib markii ay soo xiratay jaakad nimeed nooca xiliga qaboobaha loogu talo galay.

Fahriye Evcen ayaana xili ay jaakadaas xirantahay sawiro iska qaaday kadibna soo galisay barteeda Instagramka sidoo kalana wiilkeeda yarka ah ee Karan ayay asigana sawiro ka qaaday xili uu xirnaa jaakatiin caruureed.

Kadib sawiradaas ay soo galisay barteeda waxaa xigay in dhalintii oo dhameyd dukaamada dharka ku xoomaan isla markaana soo wada iibsadaan isla jaakadii ay Fahriye wadatay.

Halkaas sheeko kuma ekaanine jaakadii yareyd ee wiilkeeda Karan xirnaa ayadana suuqa waa laga dhameeyay wax kayar mudo 24 saac ayaana labadii jaakad dhammaan tukaamadii lagu iibin jiray looga dhameeyay.

Fahriye ayaana kamid ah atariishooyinka ugu shacbiyada balaaran gudaha Turkiga ayadoona horay u jishay filimo iyo taxanayaal guul waaweyn gaareen.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here