Xidigaha Bollywoodka iyo saxaafada wey isku baahan yihiin mid walbana kan kale dan ayuu kuwataa balse mararka qaar waxaa dhacdo inee is dagaalan oo weerar afka ah la isku qaado waxaaba la dhihii karaa waa qoys iswataan marna heshiis ah marna dagaal ka dhaxeyo.

Xidigaha Bollywoodka markii waji ka waji loo wareysanaayo misane intee is ilaawaan saxaafadii wareysanayeen furka ku tuuraan dhowr jeer aye dhacday tusaale Deepika Padukone markee soo bandhigeysay goos gooska Filimkeeda Chennai Express waxay soo xiratay labis aad u gaaban oo jirkeeda qeybo badan muuqdeen waxaana loogu talo galay labiskaas inee xirato maalintaas goos gooska lasoo bandhigaayey.

Advertisement

Qaar kamid ah saxaafadii ayaa ku mashquuleen labiskeeda warbixinooyin badan ayee isla markii ka qoreen 24-saac kadib Deepika oo xanaaqsan ayaa baraha bulshada soo gashay waxayna tiri,”waa saxaafada India ee wararka deg dega ah qoraan waaye ayaa lagu leeyahay bal eeg waxay war ahaan usoo qoreen.”

“Haa aniga dumar ayaan ahay oo horaado leh maxaa ugu mashquuleysan xabadkeyga iyo horaadkeyga maxu yahay dhibka aad ku qabtaan? Fadlan hadaadan aqoonin sida haweenka loo xushmeyo wax iyaga kusaabsan haba ka hadlin oo iska aamus.”

Hadalkii Deepika si weyn ayaa loo faafiyay mudo kadib iyadoo xayeyyiin u sameyneysa Filimka Finding Fanny sido kalena Arjun Kapoor uu la jiro ayaa gabar suxufiyad ah wax ka weydiisay oraahdii Deepika baraha bulshada so dhigtay balse Deepika oo suaashas dhibsaneyso ayaa sheegtay ine dhahday waxay dhihi lahed haderna aysan diyaar u ahen mowduucaas ine ka hadasho.

Laakiin gabadhii wareysaneysay ayaa markale suaashii ku celisay kadib Deepikanoo careysan ayaa tiri,”gabadhaan kaamerada halaga qaado suxufiyad ma ahan maba ka warheyso waxay ku hadleyso iyo wax kale anigo mowducaas awalba aad oga xanaaqsana ayaad adigana iguso celcelineysa si aad markale iiga xanaajiso waxaad tahay dumar maad i dareentid maxaa u jeceshahay inaa dumar kale ceebaheeda raadiso.”

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here