Hadal heynta iyo ciwaanada fanka Telugu ama Tollywood loo yaqan xaruntooda tahay magaalada Hyderabad waxaa qaatay wiilka fanka ku cusub Vaishnav Tej oo ay walaalo yihiin Sai Dharam Tej sidoo kalena abti u yahay Megastar Chiranjeevi halka walaalo ay yihiin Ram Charan ayaa laga yaabay bilaabashada taariikhiga ah ee filimkiisa Uppena uu la yimid.

Advertisement

Maalinta kowaad filimka Uppena wuxuu dhul weynaha Telugu kasoo xareeyay 13.30 Crore sidoo kalena saami ahaan filimkiisa waxaa laga helay 9.30 Crore wuxuu noqday filimka ugu bilaabashada wanaagsan ee atoore fanka Tollywood ku cusub la imaado madaama 10 Crore nadiif ah ama canshuurta kadib uu keenay.

Sidaa darteed dhawaanahan marka fanka Telugu dib loogu laabto atoorayaasha sida waalida ah kusoo galeen ee fanka qabsadeen waxaa ka mid ahaayeen Ram Charan, Naga Chaitanya iyo Akhil balse sedexdaanba waxaa meel saaray Vaishnav Tej oo sanado badan laga sheekeen doono filimkiisa Uppena sida uu fagta kowaad ku bilaawday weliba ayadoo Karoonaha jiro dadkana sidii la rabay tiyaatarada usoo aadeyn.

Sanadii 2007 Ram Charan wuxuu kusoo caan baxay filimka Chiruta waxaana xusid mudan in saami ahaan filimkan maalinta kowaad laga helay 3.75 Crore.

Sanadii 2009 Naga Chaitanya oo Superstar Nagarjuna aabo u yahay filimka uu kusoo caan baxay Josh saami ahaan maalinta kowaad waxaa laga helay 2.60 Crore.

Sanadii 2015 Akhil oo Superstar Nagarjuna aabo u yahay filimka uu kusoo caan baxay Akhil saami ahaan maalinta kowaad waxaa laga helay 7.60 Crore.

Vaishnav Tej sanadkan 2021 wuxuu kusoo caan baxay filimka Uppena oo saami ahaan maalinta kowaad laga helay 9.30 Crore saamiga dhul weynaha Telugu oo kaliya.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here