Inkastoo sanadkii hore 2020 uu ahaa sanad bur bur ku dheehan ganacsiga guud ee fanka Hindiya saameynta Karoonaha awgeed haddane shabakada Boxoffice India (BOI) waxay soo bandhigtay atoorihii Bollywood-ka ugu awooda badnaa sanadkii hore kaasi oo maqaam sare ku talaabsaday inkastoo daruufo culus jireen inta badana tiyaatarada xirnaayeen.

Advertisement

Superstar Ajay Devgn ayay shabakada BOI u aqoonsatay atoorihii 2020 ugu awood badnaa Bollywood-ka madaama filimkiisii Tanhaji The Unsung Warrior uu noqday Blockbuster taariikhi ah sidoo kalena mudo dheer tiyaatarada saarnaa waana filim daawadayaasha ka heleen oo weliba iskooradii Bahubali 2 oo kale dhigay gobolka Maharashtra mashruucana Devgn wuxuu ka caawiyay inuu darajo kale ku talaabsado.

Shabakada BOI waxay sheegtay Ajay Devgn awoodiisii lagu xasuusan doonaa 2020 inkastoo Tiger Shroff isagana filimkiisii Baaghi 3 la yimid fagta hore ganacsi fiican sameeyay kadibna nasiib daro tiyaatarada la xiray todobaadkii labaad bisha Maarso. Sidoo kale Akshay Kumar iyo Varun Dhawan iyagana dhanka OTT-ga ayay saameyn ku yeesheen madaama filimadoodii Laxmmi iyo Coolie No. 1 siweyn loo daawaday halka Sushant Singh Rajput-kii geeriyooday isagana ciwaanada qayb ka ahaa filimkiisii Dil Bechara sida waalida ahayd barta Disney+Hotstar looga daawaday balse filimkan dhimashadii Sushant ayuu ka faa’iiday.

BOI waxay sidoo kale sheegtay Ajay Devgn markii ugu horeesay inuu hal sano hogaanka Bollywood-ka u qabtay asigoo isku darsaday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimka HIT-ka ugu weyn noqday labadadaas darajo Tanhaji The Unsung Warrior ayaa ka caawiyay.

Sidoo kale BOI waxay sheegtay in Ajay Devgn sanadii 1991 markii uu Bollywood-ka kusoo biiray filimkiisii Phool Aur Kaante uu noqday HIT-ka ugu weynaa laakiin ma noqon midka lacagaha ugu badan soo xareeyay waxaa noqday filimkii Saudagar.

Ugu dambeyntii BOI waxay soo qaateen Ajay sanadii 1991 filimkiisii Phool Aur Kaante inay isku dhaceen filimkii Lamhe ee Sridevi hogaamiye ka ahayd kana guuleestay sidoo kalena filimkiisan Tanhaji isku dhaceen filimka Chhapaak ee Deepika Padukone hogaamiye ka ahayd isagana guul dareestay waxay leeyihiin shabakadan waa arin cajiib ah in Ajay marka uu sameenaya HIT-ka ugu weyn filimada noqdeen inuu Boxoffice-ka ku garaacay labo atirisho oo waqigoodii mid walbo iyada fanka Hindiya ugu maqaam sareesay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here