Sanadkan 2021 qeybihiisa dambe aflaanta ugu waa weyn Bollywood-ka ayaa soo bixi doonaan madaama sanadkii hore fanka Hindiya qasaaro xoogan la kulmeen saameynta karoonaha awgeed sidaa darteed feestada Diwali ee Hindiya ugu weyn kuna beegan dabyaaqada sanadkan aflaan waa weyn ayaa ku hardami doonaan tiyaatarada.

Advertisement

Feestada Diwali waxay ku beegan tahay sanadkan 4 November 2021 waxaana isku dhici doonaan afar filim oo waa weyn kuwaas oo lagu kalsoon yahay inay daawadayaasha soo jiidan karaan waxayna filimadaas kala yihiin RakshabandhanGangubai KathiawadiApne 2 iyo Jersey.

Filimka Rakshabandhan waxaa hogaamiye ka ah Akshay Kumar waana filimkii ugu horeeyay ee sanadkii hore dabyaaqadiisa doortay in Diwali 2021 la daawan doono balse kaligiis masraxa kuma noqon doono oo reer Deol waa Dharmendra, Sunny Deol, Bobby Deol iyo Karan Deol iyagana waxay ku dhawaaqeen filimkooda Apne 2 in Diwali 2021 la daawan doono.

Dhinaca kale Shahid Kapoor filimkiisa Jersey isagana Diwali 2021 ayaa lagu dhawaaqay in la daawan doono waana filimka kaliya ee shaqadiisa ama duubistiisa soo idlaadatay oo doortay feestada Diwali madaama filimada kale qaarkood weli duubistooda la bilaabay halka qaar kalena shaqada meel dhexe u mareyso.

Ugu dambeyntii Alia Bhatt filimka ay hogaamiye ka tahay Gangubai Kathiawadi isagana feestada Diwali 2021 ayaa la qorsheenaa in la daawado waxaana Director ka ah Sanjay Leela Bhansali haatana shaqadiisa si xawaare ku dheehan ayay ku socotaa waana filim weyn oo ganacsi balaaran sameyn karo.

Sidaa darteed aqristayaasha qiimaha badan aragtidiina ka dhiibta isku dhaca ugu weyn ee Diwali 2021 dhici doono haddii Alle idmo madaama afar filim feestadan isku heestaan xitaa markii hore waxaa la hadal haayay SRK filimka uu ku soo rogaal celinaayo Pathan la daawan doono Diwali 2021 balse filimkan dib ayaa loo dhigay waxayna u badan tahay sanadka dambe in la daawan doono.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here